Al-Shabaab oo 50 caruur afduubatay

Dadka daggan Buulo Burde ayaa sheegaya in al-Shabaab ay afduubteen caruurta si ay ugu khasbaan in ay hubka qaataan taa oo ay ku doonayaan in ay kaga hor tagaan weerarrada ka imanaya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Al-Shabaab waxa ay duggsiyada qur’aanka iyo iskuulada ka qabsadeen caruur aan ka tiro yareyn 50 kuwaa oo laga soo afduubay baaddiyaha iyo tuulooyinka yar yar ee ku harreereysan Buulo Burde,” ayuu Cabdinuur Daahir, oo 46 jir dadka deegaanka ah  sheegay.

“Hoggaamiyayaasha al-Shabaab sida Sheekh Yuusuf Cali Ugaas, oo ah gudoomiyaha kooxda ee gobolka Hiiraan, iyo hoggaamiyayaal kale ayaa hadda magaalada jooga,” ayuu yiri. “Waxa ay ku boorrinayaan macalimiinta dugsiyada qur’aanka iyo kuwa rasmiga ah in ay joojiyaan casharada, ardaydana ay u diraan xeryaha tababarka si ay usoo bartaan habka loo isticmaalo hubka, ayna ugu biiraan dagaalka ay kooxda ku jirto ee jihaadka ah, sida ay ku andacoonayaan.”

Nasra cabdi, oo 42 jir ah, caanana ku gadda suuqa magaalada, ayaa sheegtay in ay aragtay xubnaha al-Shabaab oo waddooyinka maraya, iyagoo dadka deegaanka ku boorrinaya in ay kooxda kusoo biiraan si ay magaalada uga difaacaan weerarka laga filayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa isbahaysiga.

“Kooxdani waa cadowga dadka Soomaaliyeed sababtoo ah ficilladooda ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan, gaar ahaan carruurta yar yar ee lagu khasbay in ay hubka qaataan ayna iyaga u dagaalamaan,” ayay tiri.

Isha: Sabahi Online