Shabaab oo ay ka dhex tafatay + Xubno sare oo xabsiga lagu guray iyo warar sheegay in laga…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab ay xabsiga dhigeen Saraakiil ka tirsan Kooxda oo iyagu khilaafay amarka Hogaamiyaha Maleeshiyada.

Saraakiisha la xiray ayaa la tilmaamayaa inay gaarayaan ilaa Shan sargaal, kuwaasi oo xarigooda loo sababeeyay faafinta dacwad la xiriirtay ku biirista Daacish.

Saraakiisha la xiray ayaa waxaa lagala soo baxay hooygooda oo ku yiilay isla degmada, mana cadda ilaa iyo hadda halka ay Maleeshiyadaasi ula dhaqaaqen Saraakiisha.

Talaabadaani ayaa daba socota talaabooyin horay loogu xirxiray Saraakiil ka tirsanaa Maleeshiyada kuwaasi oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib waday qorsho loogu biiraayo Daacish.

Dhanka kale, Maleeshiyaadka Al-shabaab garabka taabacsan Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa maalmo ka hor ku dhawaaqay in tallaabo ay ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay kala dhantaasho midnimadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com