Kooxda Al-Shabaab oo maanta mar kale laga xiray bartoodii twitter-ka

Muqdisho (Caasimada online) Shirakadda Twitter-ka ayaa saacado ka hor waxay si rasmi ah u xirtay Boggii ay al-shabaab ay ku lahaayeen bartaas , oo ay warbixnayda iyo wararka ku daabici jireen .

Sarkaal u hadlay Shabaab una qaabilsan dhanka warfaafinta ayaa si cad wuxuu u xaqiijiyay in Accountiga ay Al-shabaab ku lahaayeen Barta Twitter-ka gabi ahaanba la xiray .

Shabaab ayaa sawirada iyo warbinada ay ka qoraan dagaalka ay Soomaaliya ka wadaan ku daabici jiray Boggan maanta laga xiray , waxaana jira tuhun ah in laga cabsi qabo in dad badan oo Boggan si aad ah ugu xiran inay ku qancaan  fikirka Shabaab.

Sarkaalkan u hadlay shabaab wuxuu sheegay in Saaka mar qura ay ka war heleen Accountigooda oo xiran , taas oo uu sheegay inay daliil u tahay Caburin uu sheegay in lagu hayo ururka Shabaab .

Wuxuu sheegay in wixii iminka ka dambeeya in shabaab aysan Bogga Twitterka aysan ku daabici karin wax war ah ama muuqaalo ah blasé wuxuu sheegay inay arintan ka shirayaa isla markaana dhankooda ay go’aan cad ka gaari doonaan .

Al-shabaab ayaa wararka, warbixnada iyo Muuqaalo ku aadan dagaalka Soomaaliya ay ka wadaan waxay kusoo bandhigi jireen batooda Twitterka inkastoo maanta si rasmi ah looga xanibay sida iyaguba ay qireen .

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live@live.com