Al-Shabab oo qabsatay qeybo ka mid ah Garisa

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow naga soo gaaray magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in deegaano halkaasi ka tirsan ay Caawa ka ariminayaan Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab.

Maleeshiyaadkaani Caawa ka ariminaaya deegaano hoostaga Gaarisa ayaa waxa ay halkaasi galeen inta u dhexeysa Salaada maqrib iyo Cisho, waxaana hadda lasoo sheegayaa in guri guri ay howlgal uga sameynayaan.

Deegaanada ay Caawa ka ariminayaan ayaa waxaa kamid ah Buula Golol halkaasi oo wax yar ka hor ay ka carareen Ciidamada Kenya.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaaya in wadooyinka qaar ay raxan-raxan u socdaan dagaalyahaano ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab kuwaasi oo la sheegay in guryaha qaar ay awood ku galayaan iyaga oo baadi-goobayo shaqsiyaad ay si gaar ah u doonayaan.

Maleeshiyaadkaani ayaan wali la kulmin wax iska caabin ah, mana jiraan Ciidamo gaaray deegaanada ay Al-shabaabka heystaan.

Lama oga sida uu xaalku noqon doon, inkastoo la filaayo in halkaasi ay gaari doonaan Ciidamada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com