Al-Shabaab oo dad badan ku dilay gobolka Hiiraan iyo ciidamada Itoobiya oo isaga baxay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa galabta Shan ruux ku dilay deegaan lagu magacaabo Duufaamo, oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gabal dhicii galabta deegaankaas, oo ay maamulaan dagaalyahanada Macawiisley oo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ka wada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Hir-Shabeelle.

Shanta qof oo ay dileen Al-Shabaab, ayaa seddax ka mid ah waxay Macawiisley halka labada kalana ay ahaayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Maamulidda deegaankaas ayaa muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab, balse wararka ay caawa ka heleyso Caasimada Online ayaa sheegaya inay iskaga baxeen, kaddib dhaq-dhaqaaqyo kasoo wajahay dhinaca dagaalyahanada Macawiisley.

Weerarka ay Al-Shabaab ku dileen dadkaas gaaraya shanta ruux ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta gobolka Hiiraan ay iskaga baxeen Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM qeybtooda Itoobiya oo la sheegay inuu u dhamaaday waqtigii howlgalkooda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayaa baneeyay saldhigyo ay ku la haayeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, mana jiraan ciidamo lagu badalay oo dagay saldhigyadii ay ka guureen, waxaana maanta xaflad sagootin ah ciidamadaas loogu sameeyay magaalada Beledweyne.

Taliya guud ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Tigabu Yilma oo ah nin Itoobiyaan ah, Taliyaha qeybta 4-aad ee Ciidanka AMISOM, iyo sidoo kale  madaxa Hey’adda Miina Baarista Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Caasimada Online

Xaafiiska Beledweyne

Caasimada@live.com