Al-Shabaab oo shacab ku laayay Hiiraan iyo sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen, kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay rasaas ku fureen suuq ku yaalla deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhacdadan ay timid kaddib markii rag ka tirsan Al-Shabaab ay suuqa yimaadeen, iyagoo isku dayay inay qoriga ka dhigaan nin hubeysan oo goobta ku sugnaa, kaas oo la sheegay inuu diiday inuu hubka dhigo,  waxyna taas keentay in halkaasi ay ka bilaabato iska horimaad iyo tacshiirad xooggan.

Rasaasta ayaa sababtay dhimashada shanta qof iyo dhaawaca sagaal kale, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday goobo caafimaad si loogu dabiibo.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan shaqaaqada ka dhacday halkaasi.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli haaran deegaanka iyo guud ahaan gobolka Hiiraan ay ka socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga iyo wada shaqeynta bulshada deegaanka.

Maalmo kahor ayay sidoo kale ahayd markii ay heshiis gaareen odayaal ka tirsan beesha Xawaadle iyo Al-Shabaab, kaas oo lagu sheegay mid nabadeed oo lagu soo afjarayo colaaddii ka dhexeysay beesha iyo Khawaarijta oo horay ugu dagaalamay Gobolka Hiiraan.

Heshiiskaasi ayaa kusoo aaday, xilli ay deegaannada Gobolka Hiiraan ka socdeen dadaallo lagu doonayo in mar kale dib loogu abaabulo howlgallo wadajir ah oo ay gobolka ka fuliyaan maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ee ku sugan gudaha gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News