AL-SHABAAB oo dhexda u galay hub u socday ciidan ka tirsan kuwa KENYA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qafaashay Hub u socday ciidamo ka tirsan Booliska oo Saldhig ku leh deegaanka Lafooy oo ku dhow Mandheera.

Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa saarna Gaari qafilnaa oo ay wehlinayeen ciidamo Kenya ah xili ay kusii jeeden Saldhiga, isla markaana ka baxeen Xero ciidan oo aan ka fogeyn Lafooy.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa jabadka uga soo baxay gariga iyo ciidamada la socday waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka dhacay Hubka ay hoostagan Horjoogaha Al-Shabaabka Kenya Sheekh Axmed Iimaan Cali.

Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay u badnaayen Rasaas noocyo kala duwan ka kooban waxa ayan sidoo kale maleeshiyaadka qoryaha horay uga sii furteen ciidamadii ilaalinaayay Hubka oo qaarkood ay sii ka xeysteen.

Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayaan macluumaad muujinaaya in Hubkaasi la geeyay goob ay ku dhuuntaan Al-Shabaabka oo aan ka fogeyn deegaanka Lafooy.

Waxa ay sheegen Saraakiisha inay ku howlan yihiin soo badbaadinta Hubka iyo Gaariga, iyagoo intaa raaciyay in ciidamo tababar gaara heysta ay u direen halka lagu hayo Hubka.

Dowlada Kenya ayaa dhibaatooyin badan kala kulmeysa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weeraro toosa ka geysta gudaha iyo gobolada Kenya kuwaa oo qaarkood ay ku naf waayan Saraakiil ka tirsan Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaabka ka amar qaata Horjooge Axmed Iman ayaa dhowr jeer ciidamada Kenya ka furtay Hub, Gaadiid, halka ay nolosha ku kaxeysteen Askar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com