Al-Shabaab oo dilay ajnabi Daacish ku biiri rabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahisay jariirada the Sudan Tribune ee dalka Sudan Alshabaab ayaa dilay muwaadin u dhashay dalka Sudan oo doonayay inuu ku biiro kooxda Daacish, sida jariirada ay baahisay.

Muwaadinka oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Makaawi Ibraahim ayaa u dashay dalka Sudan, waxaana la sheegay inuu dhintay markii iska hor imaad uu dhexmaray Alshabaab iyo ciidamo kale oo doonaya iney Daacish ku biiraan.

Sudan Tribune, oo soo xiganaya xubno qoyska Makaawi ka tirsan ayaa baahisay in xubnaha qoyska uu soo wacay ruux isku sheegay afhayeenka Alshabaab uuna ku wargeliyay inuu dhintay wiilkooda kadib iska hor imaad dhacay.

Xubnaha qoyska ayaa sheegay in todobaad ka hor lagu soo wargeliyay geerida wiilkooda, laakiin ma jirin wax faahfaahin dheeri ah oo laga siiyay qaabka loo dilay muwaadinkaasi u dhashay dalka Sudan.

Wargeyska ayaa shaaciyay in ruuxaasi oo horey ugu eedeysnaa dilka diblumaasi u dhashay dalka Mareykanka uu doonayay inuu ku biiro garabka Daacish eek u sugan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa iminka doonaya iney ku biiraan kooxda oo sababtay iney Alshabaab-ka Al-qaacida ka tirsan ugaarsadaan.

Makawi ayaa kamid ahaa dadkii la bahoobay Dacish isagoo ka tirsan Xarakada Al-shabab.

Al-shabab ayaa cadeesay in ay ka laaban doonin xirirka kala dhaxeeya Al-qaacida waxana ay diideen aqoonsiga kooxda Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com