Al-Shabaab oo gabar carabka ka jaray iyo arrin yaab leh oo ay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-shabaab ayaa carabka ka jaray gabar ku nool duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayna gubeen tuulo ku taala duleedka degmada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Al-shabaab ay gabartaasi carabka kaga jareen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo khamiistii ciidamada dowlada Soomaaliya ay isaga baxeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in haweeneyda carabka ay ka jareen ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab , waxaana dadka deegaanka ay ula dhaqmeen sida dad aan deegaanka laheyn.

Al-shabaab ayaa dhacdooyin noocaan oo kale ah ku cusub tahay, waxaase mararka qaar ay sameeyaan dhacdooyin ka xanuun badan oo dadka deegaanka soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahay cabsi xoogan, waxaana ay ka baqayaan iney dhibaatooyin kale ay kala kulmaan ciidamada Al-shabaab oo ku sugan hareeraha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com