Kismaayo: Al-Shabab oo xasuuq ciidan geysatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal culus oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose kaasi oo u dhexeeyay Ciidamada Jubba iyo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxa uu ka dhacay xero loo yaqaan Akadiimiyada oo ay ku sugnaayen Ciidamada Maamulka Jubba.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ay baraha bulshada kusoo daabacday in weerarkaasi ay ku dileen Ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo si gaar ah uu ugu tashanaayay Madaxweynaha Jubbaland.

Maleeshiyadu waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay ku dileen 17 kamid ahaa Ciidamada maamulka Jubba, halka dhaawacana uu gaarsiisan yahay 11 askari.

Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in weerarka lagu qaaday Akadiimiyada uu ahaa mid aad u cuslaa oo dhamaan Xaafadaha Kismaayo laga maqlay.

Xerada Akadiimiyada ee ku taallo Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhaw Saldhig ciidanka Amisom ay halkaasi ku leeyihiin.

Maleeshiyada Al-shabaab oo dagaalkaan culus xalay soo qaaday ayaanan weli wax faah-faahin ka bixin dhankooda iyo Khasaaraha ka soo gaaray dagaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com