Al-Shabaab oo joojiyay dhaqan ay dad badan ku dhibsadeen

Baraawe (Caasimada Online) Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay sheegay in ay joojiyeen Karbaash-ka ama Jeedalka ay dadka ku garaacaan.

Waxaana ay sababta ku sheegeen maadama ay bulshada ku nool goobaha ay maamulaan ay dhibsadeen dhaqankaas oo ay ku caanbaxeen.

Sheekh Maxamed Khalaf Shongole oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab una qaabilsan dhinaca dacwadda ayaa ka sheegay hadalkan xaley masjid ku yaalla gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in karbaash oo dadka laugu garaaco uusan wax faa’ido ah lahayn, waxaana uu intaas ku daray in xittaa ay bahaahinka ama xayawaanka uusan jecleen in la garaaco.

Wuxuu sheegay in gabi ahaan la joojiyay dhaqankaas  oo uu sheegay in ay dad badan ku dhibsadeen Al-Shabaab.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in billaabi doonaan qorshe kale oo ay dadka ku soo jiidanayaan maadama deeganno badan oo ay gacanta ku hayaan ay ka carareen dadkii ku dhaqanaa.

Al-Shabaab falalka karbaash-ka waa kuwa ay ku caanbaxeen, kuwaasoo ay ka fulin jireen maalaha ay maamulaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhab