AL-SHABAAB oo maanta toogasho ku fulisay lix nin

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Bu’aale (Caasimadda Online) – Fagaare weyn oo ku yaal magaalada Bu’aale ee Xarunta gobolka Jubbada dhexe waxaa ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay illaa 6 qof oo ay Al-Shabaab ku sheegtay inay basaasin u yihiin dowlado shisheeyeye iyo Dowladda Soomaaliya.

Lixda qof ee lagu toogtay fagaaharaas ayaa waxaa magacyadooda ka akhriyey garsoori ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo meesha ka sheegay in sababta loo dilayo ay tahay inay galeen dambi basaasnimo ah, sidaasna loogu xukumay dilka toogashada.

Qaadiga xukunka riday ayaa sheegay inay lixdaan qof si gaar ah ugu basaasayeen dowladaha Mareykanka, Kenya iyo Dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in ayaga ay aqirteen dambigooda.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan.

Si kastaba, waxaa dadka kasoo goostay Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawr jeer oo hore toogatay dad u badan dhallinyaro oo ay ku eedeysay inay basaasiin yihiin, mana la xaqiijin karo inay dambiyadaas galeen dadka ay xukumaan.