Shabaab oo qaadatay go’aan caqabad hor leh…

Muqdisho(Caasimada Online) – Kadib markii Ururka Al Shabaab ay sheegteen masuuliyada dilkii loo geystay Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan, ayaa Ururka Shabaab waxa ay sheegayaan inay sii wadayaan dilalka ay u geysanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

War goordhow ka soo baxay Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda ay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan Saraakiisha iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Waxa ay sheegeen Maleeshiyada in si gaar ah u beegsanayaan Xildhibaanada BFS oo ay ku eedeeyeen inay dejiyeen Dastuurka Somaliya.

Hanjabaadaani ayaa imaaneysa xili Maleeshiyada Al-shabaab ay Todobaad gudihiisa Muqdisho ku dileen labo Xildhibaan oo Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, Xildhibaan Abtidoon oo weerarkii Hotel Saxafi ku dhintay iyo Xildhibaan Gurxan oo toogasho shalay lagula dhaqaaqay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa xilligan waxa ay dareemayaan walaac dhanka ammaanka ka haysta, maadaama ay isa soo tarayaan beegsiga lagu haayo Xildhibaanada.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com