Al-Shabab oo qabsaday degmo ciidamada Ethiopia ka baxeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa isaga baxay degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool, sida dadka deegaanka ay saxaafada u sheegeen, iyadoo aan sababta la ogeyn.

Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa markii ay isaga baxeen degmadaasi kadib waxaa la wareegay ciidamo taabacsan ururka Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Ciidamada ethiopia ayaa markii ay isaga baxeen degmadaasi waxaa la sheegay iney burburiyeen dhamaan difaacyadii ay ku lahaayeen deegaankaasi, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahisay in saraakiil Al-shabaab ka tirsan ay dadka deegaanka meel fagaaro kala hadleen ayna u sheegeen iney is dajiyaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa u dhaqaaqay dhanka Degmada Xudur ee Xarun Goboleedka Gobolka Bakool,lamana oga Sababta ka dameysa ka bixitaanka Rabdhuure.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com