Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay dagaalkii Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay si buuxda ula wareegtay deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan kadib dagaallo culus oo ay sheegtay inay Sabtidii iyo Axaddii kula gashay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda.

War-saxaafadeed ay baahisay garabka warbaahinta ee Al-Shabaab ayay kooxda ku sheegtay in ciidamada dowladda laga saaray deegaanka, isla markaana ay gacanta ku dhigtay hub, gaadiid iyo saanad ciidan intii uu socday dagaalka. Kooxdu waxay ku tilmaantay dagaalka mid ay guul ka gaartay.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay inay dagaalladaas ku dishay 41 askari iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Waxay intaas ku dartay inay qabsatay gaari dagaal oo uu saarnaa qori lidka diyaaradaha ah, iyo qalab kale oo militari.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kooxda ayaa lagu sheegay in qeyb ka mid ah khasaaraha ay gaarsiisay ciidamada dowladda uu ka dhashay weerar ismiidaamin ah oo ay sheegtay inuu ka dhacay meel qiyaastii shan kiiloomitir u jirta deegaanka Teedaan.

Sheegashooyinka Al-Shabaab si madax-bannaan looma xaqiijin karo. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo talisyada ciidamada ayaan weli ka hadlin sheegashada kooxda ee la xiriirta khasaaraha iyo gacan-ku-haynta deegaanka.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Liibaan Cumar Xasan ayaa hore u shaaciyay in dagaalka khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana goobta looga dilay ku dhawaad 100 xubnood.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xubno dhaawac ah oo laga cararay gacanta lagu soo dhigay, kuwa kale oo kamid ahna argagixisada ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda.

Teedaan ayaa ah deegaan istaraatiiji ah oo ku yaalla bariga gobolka Hiiraan, kana mid ah meelaha isku xira gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Si kastaba, dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah howl-gallada iyo iska horimaadyada joogtada ah ee u dhexeeya ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya ciidamada Macawiisleyda iyo Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News