Al-Shabaab “Xasuuqii Leego waxaa loogu aargudayay jabkii Faransiiska”

Muqdisho (Caasimada Online) Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in dadkii ciidamada AMISOM ay ku laayeen deeganka Jiira Yaasiin oo hoosta Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose loogu aar gudaayay dowladda Faransiiska.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in wiixii ka dhacay Leego uu ahaa fal aarsi ah, isla markaana ciidamada AMISOM ay ugu aargudaayeen dowladda Faransiiska.

Wuxuu sheegay in ay iyana u aar gudi doonaan, oo ay laayi doonaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Dowladda Faransiiska ayaa dhawaan labo askari looga dilay howgal ay soo qaadeen ciidamo qaas oo ka socda dalkaas, kuwaasoo rabay in ay soo badbaadiyaan sarkaal gacanta ugu jiray Al-Shabaab.

Si kastaba, Ciidamada AMISOM ayaa labo cisho ka hor waxa ay dad rayid ah ku laayeen deegan ku yaalla Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo u badnaa carruur iyo haween.

AMISOM ayaa shaley war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay baari doonto wixii ka dhacay deeganka Jiira Yaasin ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho