Kooxda Al-Shabab oo waxyeelo ka geystay gudaha dalka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa weerar khasaaro geystay ka geystay gudaha dalka Kenya, sida saraakiisha iyo warbaahinta Kenya ay sheegeen.

Saraakiisha ciidamada Kenya ayaa sheegay in weerarka Al-shabaab ee deegaanka Dhamase uu sababay in Alshabaab burburiyaan anteeno ku taalay deegaanka oo isgaarsiin aheyd.

Taliyaha ciidamada booliska ee deegaanka Lafeey ayaa sheegay in Alshabaab ay ahaayeen kuwo hubeysan oo weerar ka geystay deegaanka kuwaasi oo tiro ahaan uu ku sheegay ku dhawaad 100.

“Waxba ma aynaan arkin, laakiin dadka deegaanka oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay inay arkeen in ka badan 100 dagaalyahan oo hubaysan.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Deegaanka Lafey ee dalka Kenya Bossita Omukolongo

Taliyaha wuxuu sheegay in dhamaan dagaalyahanada Alshabaab ay ka tageen gudaha dalka Soomaaliya.

“Waxaan maqalnay inay badankooda ka yimaadeen Somaliya, laakiin ma xaqiijin karno.” Ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxaan maqalnay 13 gaari dagaal oo Shabaab ah inay ka gudbeen deegaanka Ceelcadde, warbixin dhanka Sirdoonka ah ayaa sheegaysa in Shabaab ay qorsheynayaan weeraro, laakiin inaga ma hubno.” Ayuu warkiisa sii raaciyay