Al-Shabaab oo weerar kale oo culus maanta ku qaaday saldhig u dhow Ceelbaraf

Ceelbaraf (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacday saldhig ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee ATMIS kaasoo ku yaalo deegaanka Miirtaqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, madaafiicda ay soo tuurtay kooxda Al-Shabaab ayaa waxay ku dhaceyn gudaha deegaanka, waxaana jiro khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tiro sax ah la heyn.

Sidoo kale, Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ayaa dhankooda weerarka Madaafiicda ah ka jawaabay, iyaga oo madaafiic ku garaaceen duleedka deegaanka Ceelbaraf.

Ciidamada ATMIS ayaa weerarka kadib sameeyey howlgal baaritaan ah kaasoo ay uga jawaabayeen weerarkii lagu soo qaaday, waxaana la sheegay inay dhibaato u geysteen dad Shacab ah.

Weerarkaan ayaa kusoo aadayo xilli 3-dii Bishaan ay Al-Shabaab weerar qaraxyo ku biloowday ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaas oo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay weerarkaas ku dishay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi oo kor u dhaafayo 100 halka la sheegay inay nolol ku qabteen kuwa kale.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyey in weerarkaas looga dilay 30 askari, halka dhaawaca uu gaarayo 20, sidoo kalana wuxuu sarkaalka sheegay inay nolol iyo geeri ku la’yihiin tobaneeyo kale.

Sarkaalka Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu waxay sheegteen inay dileen 173 u dhashay Burundi, sheegashadaa soo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Laba ilo wareed ayaa VOA u sheegay inay saldhigga ciidanka Burundi markii weerarki dhacayey ay ku sugnaayeen 161 askari. Sarkaalka Burundiga ah ayaa xaqiijiyey tiradaasi.