Al-Shabaab oo weerar xoogan ka geystay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamo hubeysan oo la aamisan yahay iney Alshabaab ka tirsan yihiin ayaa weerar ka geystay deegaan ku yaala duleedka magaalada Mandheere ee dalka Kenya iyaga oo halkaasi ku dilay askar ka tirsan ciidamada booliska dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dabley hubeysan oo dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabab ku qaadeen gaari bas ah oo marayay meel u dhaw magaalada Mandheera gobolka waqooyi bari Kenya.

Wararku waxay sheegayaan in gaariga la weeraray o ka baxay magaalada Mandheera uu kusii jeeday magaalada Mandheera waxaana la weeraray asagoo maraya meel u dhaxaysa tuulooyin la yiraahdo Kutulo iyo Daaba.

Max’ud Saalax oo ka tirsan mas’uuliyiinta gobolka waqooyi bari Kenya ayaa u sheegay Tv,ga Al-Jazeera ayaa sheegay in gaariga la weeraray oo ay la socdeen dad gaaraya 50 ruux ay rasaas huwiyeen dabley Al-Shabab ka tirsan oo wadada u galay waxaana uu intaa ku daray mas’uulka la xigtay in wadaha gaariga uu diiday inuu gaariga joojiyo.

Illaa Sadex ruux oo kale ayaa weerarkaasi ku dhaawacantay sida laga soo xigtay saraakiil booliska Kenya ka tirsan oo iyana gaariga la weeraray u gurmaday hase ahaatee warbaahinta Citizen ayaa baahisay in tirada dadka weerarkaas ku dhaawacmay ay gaarayaan illaa 7 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com