AL-SHABAAB oo weerar ku qaaday saldhigga ay ciidamada Mareykanka ku lee yihiin Soomaaliya

Marko (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa saaka weerar xoogan ku qaadan fariisin ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin duleedka garoonka Bali-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo garoonka ay saldhig ku leeyihiin ciidamo ka tirsan dowlada Mareykanka.

Dagaalka Saaka ayaa ka dhacay deegaanka Kaba-hirig oo ku yaala duleedka Bali-doogle, waxaana uu ka dambeeyay markii ciidamada Alshabaab weerarka ay qaadeen.

Dagaalka saaka ayaa daba socda, dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Waanbate oo ku yaala duleedka garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle, weerarkaasi oo Alshabaab ay ku sheegeen in gaadiid dagaal ku qabsadeen.

Dagaalkaasi ayaa ka dambeeyay markii ciidamada Alshabaab ay wadada u galeen gaadiid ay la socdeen ciidamada dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo baxay garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle.

Ciidamo American ah ayaa ku sugan Garoonka Bali-doogle, waxayna halkaasi tababar ku siiyaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, waxaase la ogeyn qasaaraha gaaray Bali-doogle.

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay labada dagaal ee dhacay Gelinkii dambe ee shalay iyo saaka, laakiin saraakiisha AMISOM iyo ciidamada dowlada ayaanan ka hadlin waxyeelada soo gaartay iyo waxyaabaha la gaarsiiyay Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com