Shabaab goostay oo xog badan badan bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah rag dhalinyaro ah oo kasoo goostay  Alshabaab ayaa ka sheekeeyay xogo badan oo la xiriira in rag ajaaniib ah oo ka dagaalama meelo ka baxsan Soomaaliya lagu tababaro dalka Soomaaliya.

Wargeyska the Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa daabacay in xubno Alshabaab kasoo goostay  oo uu kamid ahaa Abu bakar uu kashifay xogo ku saabsan in Alshabaab dhexdooda lagu tababaro dagaalyahano Alshabaab.

Abu Bakar ayaa sheegay in dagaalyahano ajaaniib ah uu isaga kula tababartay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, xiligii ciidamada Alshabaab ay ku sugnaayeen.

Wuxuu sheegay ilaa iyo hadda in dalka Soomaaliya lagu tababaro dagaalyahano ajaaniib ah  kuwaasi oo Alshabaab ka barbar dagaalama halka qaarkoodna  ay yihiin kuwo u dagaal tagan meelo ka baxsan Soomaaliya.

Marka tababarka ay qaataan dagaalyahanada ayaa waxaa la geeya contorolada Al-shabab ay gawaarida ku baaran balse shaqadaasi looma oga ilaa iyo 3 bil ay ka dhamaystaan in lugaha ay lagalaan.

Abubakar ayaa ku jiray Xerada Al-shabab ee loo yaqaan Khalid Bin Walid oo ay ku jireen dagaalyahano Ajaaniib ah oo ka socday wadamada Tanzania,Kenya,Burundi iyo kuwo kasoo jeeda Yurub sida Faransiska,Mareykanka iyo Dowladdaha Carabta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com