Al-Shabaab watay hub culus iyo gaadiid dagaal oo deegaan muhiima kala wareegay Jubbaland (Warbixin)

Kismaayo (Caasimada  Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegen deegaanka Geedweeyne oo hoos taga degmada Dooloow ee gobolka Gedo.

Maleeshiyada la wareegtay deegaanka ayaa watay gaadiid iyo hub culus, waxaana lasoo sheegayaa in halkaa ay kawadan baaritaano xoogan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen boqolaal ka tirsan dagaalayahanada Al Shabaab oo ku hubeysan hubka fudud iyo garneelada garbaha laga tuuro, kuwaas oo ku roondeynayey gudaha iyo hareeraha degaanka.

Wararka aan ka heleeyno deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada ay halkaasi ku xirxireen dad badan oo shacab ah oo si dhow ula shaqeynaayay ciidamada Jubbaland.

Maleeshiyada ayaa gubtay xarumo iyo dukumiintiyo uu lahaa maamulka Jubbaland, kadib markii ay galeen xarumaha maamulka ee ku yaala deegaanka, sida laga soo xigtay mid kamid ah ciidamada maamulka.

Sidoo kale, deegaanka lala wareegay ayaa ku dhow xuduudda Somalia iyo Kenya, waxaana jira warar sheegaya in ciidamada Kenya ay hubka culus ku garaaceen deegaanka ay Shabaabka la wareegen.

Dhinaca kale, waxaan arrintaani wali ka hadal Taliska ciidanka Jubbaland oo saldhigyo ku leh deegaanka la qabsaday.

Caasimada  Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

- Sponsored Ads -