Al-Shabab iyo ciidamo France ah oo ku dagaalay Buulo Mareer, Sh/hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Alshabaab iyo ciidamo si gaar ah u tababaran lana sheegay inay wateen seddex diyaaradood oo Helicopter ah ayaa xalay saq dhexe ka dhacay deegaanka buulo mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka wuxuu bilowday abaato xalay 2:20 daqiiqo sida dadka deegaanka sheegeen,wuxuuna ahaa mid bilowday markii ciidamada France ay kasoo dageen diyaaradaha ay wateen,kaasi oo cabsi ku abuuray dadka deegaanka.

Sida dadka deegaanka ay u sheegeen Caasimada Online,deegaanka waxaa Alshabaab ay ku hayeen muddooyinkii ugu dambeeyay muwaadin u dhashay dalkaasi,oo sanado ka hor laga afduubtay Hotel Saxafi ee magaalada Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online,ayaa la xiriirtay dadka deegaanka si ay kaga hesho xog dhab ah oo ku aadan dagaalkii xalay dhacay iyo waxyaabaha ka dhashay,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in saaka Buulo Bareer lagu arkay meydka askari qalab badan uu ku xeran yahay loona malaynayo inuu France yahay.

Xaalada deegaanka ayaa aad u kacsan,wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay deegaanka soo gaareen ,halka wararka qaar ay sheegeen in deegaanka ay ku sugan yihiin ciidamo dowlada France ka tirsan.

Caasimada Online ayaa isku dayayso soo gudbinta wararkii ugu dambeeyay ee deegaankaasi iyo xogta rasmiga ah,la soco mar walbaa www.caasimada.net