Al-Shabab: Naftood huriyaashii weerari lahaa Kenya & Ugandha waa diyaar

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqdhaqaaqa ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahano wakiil ugu ah dalalka Kenya iyo Ugandha oo ku sugan dalalkaasi ay diyaar u yihiin iney fuliyaan weeraro la mid ah kuwii Westgate ee Suuqa ganacsiga Nairobi.

Hoggaamiyaha Shabaab ee gobolada Jubbooyinka Sheekh C/raxmaan Xudeyfa ayaa sheegay iney qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan dalalka Kenya iyo Ugandha, isagoo tilmaamay iney dagaalyahanadooda wakiilka ugu ah dalalkaasi ay u diyaarsan yihiin difaaca Kitaabka Alle iyo Diintiisa.

“Mujaahidiinta waxay go’aan ku gaareen iney aargaasi ka sameeyaan duulaankii lagu soo qaaday shacabka Muslimiinta ee mar walba dhibaatada lagu haayo, hadey wax walba inoo adeegsadeen, annagana waxaan u adeegsan doonaa wixii aan awoodno”ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo u waramayay Idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Shabaab.

21-kii bishii September ayey aheyd markii Al-Shabaab weerar xooggan ay ku qaatay xarunta ganacsiga Westgate Mall, halkaasi oo mudo afarr cisho ay awood ku haysteen iyadoo ay dileen 67 qof, hanti badana ay burburiyeen.

Sidoo kale waxay horay weeraro ka geysatay magaalada Kampala ee dalka Ugandha bishii July 2010, iyadoo beegsaday goob lagu daawanayay ciyaarihii adduunka, dad badana ay ku dhinteen.

Isha: Warfaafiye.com