Al-Shabab oo B/Xaawo ka qaaday talaabo kadib amar ka dhan ahaa xaasaskooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Degmada Beledxaawo ayaa dhawaan amar kusoo rogay xaasaska Al Shabaab ee ku nool degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyaga oo lagu amray inay maalmo gudahood isaga baxaan degmada.

Wararka aan ka heleyno degmada Beledxaawo ayaa sheegaya in Al Shabaab oo arintaasi ka jawaabaya ay go’doomiyeen degmada Beledxaawo, sida ay baahisay Idaacadda Dalsan oo dadka deegaanka soo xiganeysa.

Al Shabaab ayaa dhawaan la sheegay inay ku hanjabeen inay go’doomin doonaan degmada, maadaama ay ku sugan yihiin tuulooyin hoostaga degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo taasi hadda ay u muuqato inay ka dhabeeyeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Al SHabaab go’doomintooda la dareemay kadib markii ay diideen in waxyaabaha muhiimka u ah shacabka la geliyo degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in culeeskaasi ay wajaheen gaadiidleyda alaabta Bagaashka ah geyn jirey degmada Beledxaawo, waxaana taasi ka dhalatay sara u dhac laga dareemayo qiimaha raashiinka la iibiyo.

Al Shabaab ayaa degmooyin Dhowr ah oo ku yaala Bakool, Baay iyo Hiiraan go’doomiyay, waxaana arintaan ku cusub degmada Beledxaawo ay dhibaato ku noqon doontaa dadka deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com