Al-Shabab oo ka hadashay 70 xubnood oo Ethiopia ay sheegtay inay ka dishay

Muqdisho (Caasimada Online) – War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab ayay ku beenisay sheegasho maalmo ka hor kasoo yeertay dowladda Itoobiya oo aheyd in duqeyn ay ku dishay tobanaan dagaalyahanno oo ciidameeda ka tirsan.

Mas’uul katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeymo ah oo ay lakulmeen ciidamadooda isagoo warka kasoo yeeray Itoobiya ku tilmaamay been aan sal iyo raad laheyn.

Idaacadda  Al-Andalus oo wareysatay Mas’uul ka tirsan Al-Shabaab oo aysan magaciisa sheegin ayey waydiisay waxa ka jira warka kasoo yeeray Dowladda Itoobiya ee ah in duqeyn xagga cirka ah ku dishay 70 askari oo katirsan Shabaab?

“Warkaas Xabashidu sheegtay waxba kama jiraan sida muuqata dhaqankii Kenyaatiga ayay bilaabeen ee lagu yaqaanay in aysan wax aanan jirin ama dhacdo aananba dhicin iska sheegtaan, marka warkaas wax jira ma ahan, Meel ay diyaaradahoodu nagu beegsadeen iyo ciidan ay naga dileen midna ma jirto” ayuu yiri Mas’uul katirsan Al Shabaab.

Gen. Yilma Merdassa oo kamid ah saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa 15-kii September 2018 u sheegay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ee Fanabc in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen 70 katirsan dagaalyahannada Al Shabaab .

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com