Al-Shabab oo la wareegtay gacan ku yaynta deegaano ku yaal duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee duleedka magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada Degmadaas, ay la Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaanada lagu magacaabo Yaaqle, Dhagaxow, Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa deegaanada maanta Al-Shabaab ay Wareegeen ay isaga baxeen, isla markaana ay u soo ruqaan sadeen dhanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale waxaa la sheegay in shabaab ay goob fagaaro ah ay isugu keeneen dadkii ku noolaa deegaanada ay gacanta ku dhigeen,isla markaana khudbad u jeediyay.

Dhinaca kale Degmada Balacd ayaa waxaa ka socda abaabul dagaal oo dhanka al shabaabkii la wareegay deegaanada hoos yimaada degmadaas.

Maamulka degmada Balcad iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe weli kama hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee deegaano ka tirsan Shabeellaha dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com