Alshabab oo war culus ka dhowaajisay: Sidee lagu afjaray weerarki Westgate?

Xafiiska Warfaafinta kooxda Al-Shabaab ayaa goor dhow  ku dhawaaqay in uu soo gaba gaboobay weerarkii ay kooxdaasi ku qaaday xarunta Westgate ee magaalada Nairobi.

Barta Twitterka ayey Al-Shabaab ku sheegtay guuleystay howlgalkii Westgate, tobaneeyo laheystayaal ahna la rumeysan yahay in ay ku dhinteen dhismaha saacadihii ugu dambeeyay ee dagaalka, sida Shabaab ay sheegtay

“Dowladda Kenya oo wajigabax kala kulantay soo afjaridda weerarka ayaa dowlado shisheeye lakaashatay in suntan Kiimikada ay ku buufiyaan xarunta, saxaafadda qeybaheeda kala duwan ayaa laga mamnuucay in ay ku dhawaadeen Westgate oo gabi ahaanba burburay waxaana goobta ka socda howlgal lagu daadgureynayo Meydadka dadkii lalaayay” ayey Al-Shabaab ku tiri bayaankeeda.

Tiro badan oo ka tirsan maxaabiistii lagu heystay Dhismahaan, ayay Al Shabaab cadeysay inay ku dhinteen kiimikada, halka Xoogagii weerarka fuliyayna, ay sidoo kale ku dhinteen suntaasi.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa qoraalka ku muujisay, in Ciidankeedu ay laayeen ilaa 135 ruux oo ka tirsan dadkii, ay maxaabiis ahaanta ugu heysteen Dhismihii, ay xoogga ku galeen.

Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa xalay ku dhawaaqay in uu soo gaba gaboobay, hawlgalkii ay Ciidankoodu ka wadeen Dhismaha Westgate.