Al-Shabab oo war kasoo saartay qaraxii xalay lagu dhaawacay xildhibaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo xalay fiidkii ka dhacay meel ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo haleelay gaari uu lasocday mid kamida xildhibaannada Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur baaxad leh oo gaaray gaariga labeegsaday.

Maxamed Mursal Boorow oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho, dhaawaca xildhibaanka oo aad u daranh ayaa loola cararay isbitaal, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ku dhintay darawalkii xildhibaanka dhaawacmay.

Al-shabab waxaa ay sheegeen in weerarkaas ay iyaga ka dambeeyeen siina wadi doonaan weerarrada ka dhanka Golaha shacabka Soomaaliya.

Hadalka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa u qornaa sidaan

“Al-Shabaab ayaa qarax aad u xooggan ku beegsaday gaari uu la socday mid kamida Xildhibaanada Baarlamaanka xilli uu marayay meel aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada, macluumaadka hordhaca ah ee Shabaab soo gaaraya waa in uu dhaawac garaab ah uu gaaray Xildhikbaanka Nin darawal u ah uu ku dhintay Qaraxa”

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com