Al-Shabab oo xukun dil ku fuliyey wiil 15 jir ahaa oo ay ku eedeeyey inuu wiil 6 jir ahaa ku sameeyey…

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa xukunkii ugu horeeyay ee noociisa ah ka fuliyay deegaanka Shaaw ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay toogteen  wiil 15 sano jir ah oo ku noolaa deegaanka.

Cabdul Khaaliq Xasaney Xuseyn, oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa la sheegay inuu dacwad ka gudbiyay Cabdul-qaadir Doolaal Calay oo 15 sano jir ahaa, kaasi oo lagu eedeeyay inuu xoogay wiil yar oo lix sano jir ah, sida Al Shabaab ay sheegeen.

Al-Shabaab waxay sheegeen in dacwad lagu qaaday maxkamada degmada Jalalaqsi islamarkaana C/qaadir Doolaal uu qirtay dambiga lagu eedeeyay sida ay sheegeen, walow aanan la heyn cadeymaha qirashada ruuxa la eedeeyay.

Waxaay kaloo sheegeen Al Shabaab in maxkamada horteeda uu ka qirtay inuu caafimaad qabo C/qaadir Doolaar, uuna og yahay dambiga uu geystay iyo ciqaabta ka dhalaneysa.

Dadka deegaanka ayaa loogu yeeray inay ka qeyb galaan daawashada toogashada C/qaadir oo lagu eedeeyay dambi ah inuu wiil lixsano jir ah u galmooday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com