Algeria oo sare u qaaday gefka Soomaaliya ka dhanka ah iyo DF oo ka aamusan

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca Algeria ayaa maalintii shalay aheyd ka digay in la hubeeyo qabiilada Liibiya, inta ay ka socdaan colaadaha dagaal, iyagoona tusaale xun oo gef ahaana usoo qaatay Soomaaliya.

Ciidamada ayaa sheegay in haddii arrintaasi ay ka digeen ay dhacdo ay Liibiya isku badelayso ‘Soomaaliya cusub’, taasi oo qeyb ka noqoneysa ‘aflagaadeynta’ ay madaxda Algeria ku wadaan Soomaaliya.

Wargeyska ciidamada Algeria oo baahiyey arrintaasi, ayaa hoosta ka xariiqay in xiligan laga feejignado in hub loo gacan galiyo qabiilada Liibiya, midaasi oo caqabad hor leh ku noqon karta nabadeynta Liibiya.

“Xaalada cusub ee maanta ka jirta (Liibiya) waxay ka halis badan tahay inta uu qof walba qiyaasi karayay, waxaana dagaal-wakiileedka ay qorsheeyeen dhinacyadda qaarkood oo ay fulinayaan uu Liibiya u horseedaya cawaaqib-xumo saameysa gobolka” ayaa lagu yiri qoraalka Wargeyska ciidamada Algeria.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxayna arrintaasi Liibiya ka dhigi kartaa Soomaaliyada cusub”.

Hadalkan ayaa la macno ah mid uu hore u jeediyay Madaxweynaha Algeria, Abdelmajid Tebboune oo ka digayay in Liibiya ay xiligan noqto Soomaaliya cusub, isagoo la xiriirinaya dagaalkii sokeeye ee dhacay 1991-kii.

Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka hadlin aflaagadada madaxda Algeria oo u muuqda kuwa caadeystay inay tusaale xun usoo qaatan dalkeena, lamana oga sababta ay uga gaabsatay ka jawaabida gefafkaasi.