Al-Shabaab lagu qabtay Beledweyne

Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen rag ka tirsan Alshabaab kuwaasi ka dhaqaaqay degmada Buulo Burte.

Saraakiisha maamulka Hiiraan ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay ka warheleen raggaan ka tirsan Alshabaab islamarkaana ay la qabteen iyaga oo watta waxyaabaha qarxa sida saraakiisha ay sheegeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobolka Hiiraan Axmed Cabdalle Inji oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggaani ay ka warheleen inay doonayeen in qaraxyo ka geystaan degmada beledweyne.

Axmed Inji ayaa sidoo kale sheegay in Alshabaabka ay qabteen qorshahooda ugu weyn uu ahaa dhibaateynta shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Ugu dambeyntii Inji ayaa sheegay in hayadaha amaanka ay ku wareejin doonan Alshabaabka ay ku qabteen maanta degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.