Al-Shabab oo afduubay gaadiid Ambalas iyo dad

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay afduub ka geysteen duleedka magaalada iyaga oo afduubay gaadiidka gurmadka deg dega iyo dadkii la socday.

Dadka gaariga la socday ayaa gaarayay shan ruux, waxaana ay ka tirsanaayeen shaqaalaha isbitaalka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, lamana oga sababta Alshabaab dadkaasi ay u afduubteen.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in Alshabaab dadka ay afduubteen ay la aadeen deegaan ku yaala duleedka magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegayaa in dadka ay ahaayeen kuwo dhaqaatiir u badan.

Dadka la afduubtay ayaa kusii jeeday deegaan ku yaala duleedka magaalada Dhuusomareeb waxayna doonayeen iney kasoo kaxeeyaan ruux caafimaadkiisa uu liitay, lana doonayay in la dhigo isbitaalka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka isbitaalka magaalada, maamulka Ahlu sunna iyo ururka Alshabaab oo ku aadan afduubta loo geystay gaariga ambalaska iyo dadkii saarnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com