Al-Shabaab oo dilay saraakiil iyo ciidamo ka biiri rabay DAACISH iyo xiisaad taagan + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay gelinkii dambe ee maanta dileen saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Al-shabaab oo doonayay iney ku biiraan Daacish.

Weerar gaadmo ah oo ciidamo ka tirsan Alshabaab ku qaadeen saraakiisha ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Gaduudeey ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana weerarka lasheegayaa iney ku dhinteen ku dhawaad shan kamid ah xubnaha doonayay iney Daacish ku biiraan.

Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in xubnaha la dilay ee doonayay iney ku biiraan daacish ay ku sugnaayeen deegaanka Gaduudeey, waxayse la kulmeen weerar gaadmo ah.

Wararka intaasi ku daraya in ciidamada la dilay maanta uu hogaaminayay nin lagu magacaabo Sheikh Xuseen Cabdi Geedi oo horey usoo noqday gudoomiyihii Alshabaab ee gobolada Jubbooyinka.

Alshabaab ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad ku saleysan iney kasii mid ahaadaan ururweynaha Al-qaacida iyo iney ku buuraan Daacish, taasi oo dhalisay in xubno Alshabaab kamid ah kaga dhawaaqaan buuraha Galgala iney ku biireen Daacish.

Xiisadaasi ayaa maalmahaan ka taagneyd deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada dhexe halkaasi oo ay ku sugan yihiin xubno Alshabaab ah oo la sheegay iney taageersan yihiin fikirka Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com