FAAH-FAAHIN: Qorshaha iyo qaabka Al-Shabab looga saarayo Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay howgalo ciidamada Jabuuti ay qorsheynayaan inay ka fuliyeen deegaanada gobolka Hiiraan.

Col Cismaan Dubad,taliyaha ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Hiiraan ayaa sheegay inay dhawaan qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Alshabaabka ku sugan deegaanada gobolka Hiiraan.

Weeraradaasi ayuu sheegay in ujeedada tahay sidii Alshabaab looga wada saari lahaa guud ahaan deegaanada gobolkaasi Hiiraan,sida uu sheegay Cismaan Dubad oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Wuxuu soo hadal qaaday tababar aysiinayaan ciidamada dowlada ee ku sugan gobolkaasi Hiiraan caasimadiisa Beledweyne,wuxuuna sheeegay in saraakiil iyo ciidamo badan oo dowlada ka tirsan ay usoo dhameeyeen tababar lagu kordhinayo qibradooda.

Alshabaab ayaa Hiiraan kaga sugan Degmada Jalalaqsi iyo Degmada Buulo-Barde iyo deegaanada hoostaga degmooyinkaasi,waxaana hanjabaada AMISOMkusoo aadeysa iyadoo Alshabaab ay sheegeen inay iska difaacayaan weeraro kaga yimaada dowlada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho