Amiirka Qatar Tamim bin Hamad oo damiyey rajadii laga qabay shirka Riyadh

Riyadh (Caasimadda Online) – Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani kama qeyb-gali doono shir madaxeedka Khaliijka ee manta ka furmay magaalada Riyadh, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda, taasi oo wiiqday rajadii laga qabay dib u heshiin dhex marta Doha iyo isbahaysiga Riyadh lagu gaaro shirka..

Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa dhammaan xiriiradii diblomaasiyadeed iyo kii socdaal u gooyey Qatar bishii June ee 2017, sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inay taageerto argagixisada, islamarkaana xiriir la leedahay dalka Sacuudiga ay xifaaltamaan ee Iran.

Qatar si kulul ayey u beenisay eedeymahaas

Amiir Tamim ayaa ra’iisul wasaaraha dalka Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al-Thani u magacaabay inuu hoggaamiyo ergo ka socota Qatar oo ka qeyb-galaysa shir madaxeedka maanta furmay ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, sida ay werisay wakaaladda wararka QNA.

Rajada dib u heshiin dhex marta labada dhinac ayaa soo muuqanaysay dhowaanahan inkasta oo Doha ay diiday inay aqbasho shuruudaha ay ku xireen dalalka xiriirka u jaray.

Kadib markii boqorka Sacuudia Salman uu Amiir Tamim ku casuumay kulanka, wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in “xooga horumar ah” laga sameeyey wada-hadallo ay la leeyihiin Riyadh.

“Waxaan ka soo dhaqaaqnay marxalad adag, una gudubnay xooggaa horumar ah, wadahadallo qaar ayaa naga dhaxeeyey, gaar ahaan Sacuudiga, Waxaan rajeyneynaa in wada hadaladan ay horseedi doonaan horumarkeena iyo meesha aan ku arki karno dhamaadka dhibaatada” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Tallaabo ay qaadeen daqiiqaddii ugu dambeysay ayaa sidoo kale saddexda dal ee Khaliijka waxay ku aqbaleen inay ka qeyb-galaan tartanka kubadda cagta Khaliijka ee lagu qabtay Qatar, taasi oo hogaamisay hadal hayn ku saabsan in xal diblomaasiyadeed uu dhow yahay.

Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadda ayaa rumeysnaa in shirka Khaliijka ee Riyadh uu dhabbaha u xaar lahaa “shir dib u heshiisiin.”