Amisom oo baareysa xasuuqii Leego

Muqdisho (Caasimada Online) Saraakiisha howgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in la baari doono dad shaley ciidankooda ay ku laayeen deeganka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose.

War-saxaafadeed taliska AMISOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in wixii shaley ka dhacay Leego la baari doono.

Ciidamada AMISOM ayaa shaley dad rayid oo u badan carruur iyo haween waxa ay ku laayeen deeganka Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxa kaloo jira dad ku dhaawacmay dhacdadaas kuwaasoo hadda lagu daweynayo isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

AMISOM waxay sheegtay dagaal ka dhacay Leego oo ay la gashay Al-Shabaab kaliye ay ogtahay in uu shaley ka dhacay halkaas.

“AMISOM way fahasan tahay waajibaadka ka saaran yaraynta saameynta khasaaraha la soo gaari kara howlgalladeeda dadka rayidka. waxaan ururinaynaa macluumaad la xiriira duruufaha dhaliyay dhacdadan murugada leh,” ayuu yiri ku simaha taliyaha ciidanka AMISOM, Jeneraal Salvatore Harushimana oo war-saxaafadeedka soo saaray.

Wuxuu Mr. Harushimana tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay dhacdadii Leeg isagoona kuwa ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad
degdeg ah.

Si kastaba, AMISOM ayaa shaley dad rayid ah ku leysay deeganka Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxana la laayay ku jira carruur dugsi qur’aan dhigaanayay oo rasaas ay ku fureen.

Arrintaas ayaa aad loo cambaareeyay, mana ahan markii ugu horreysay ee ciidamada AMISOM dad rayid ah ku leyso Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-dii markaas oo ciidanka AMISOM uu yimid Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi