AMISOM oo fariisimo kala wareegtay ciidamada Ethiopia

Wararka aan ka helayno magaalada Baydhaba ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaaladaasi ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ku aadan wareejin xarumaha ay kaga sugan yihiin magaaladaasi.

Ciidamada AMISOM oo sanadkii hore gaaray magaalada Baydhab ee gobolka Baay ayaa la sheegayaa inay la wareegeen qeybo ka mid ah amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ciidamada AMISOM ayaa horay waxay fariisin ugu lahaayeen duleedka garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba,iyadoo la sheegay inay lagu wareejiyay amaanka garoonka,sidaasi waxaa sheegay saraakiil dowlada ka tirsan.

Ciidamada dowlada Ethiopia ee ka baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhaba ayaa tagay Warshada Xasey oo ah fariisinka ciidamada Ethiopia ugu weyn,iyadoo la sheegay inay jiraan qorshe ay kaga baxayaan magaaladaasi.

Maamulka magaalada iyo kan gobolka ayaa sheegay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgalo ka dhan ah Alshabaab magaalada iyo deegaanada ku dhow ku sugan,waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada uu muhiim u yahay hadba ciidamada ku sugan.