Amisom oo dib u qabsatay Marka balse la kulantay arrimo aysan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciiddanka AMISOM waxay saakayto dib ula
wareegeen magaalladda Marka, oo ay Xarakadda Alshabaab haysteen labadii isbuuc ee ugu dambeysay.

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka AMISOM ayaa hoggaaminayey Gulufka colaadeed ee ay dib ugu qabsadeen Marka.

ilaa labo Qarax ayaa lala beegsaday Gaadiidka AMISOM, kadib, markii ay gudaha u galeen bartamaha Marka.

Qaraxyadaasi oo ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxay Alshabaab kii ugu horreysay ku aaseen Xarunta Dowladda Hoose ee magaalladda Mark.

Sida ay dadka Deegaanka ku soo waramaeen qarax kale ayaa Kolonyada Alshabaab lagula beegsaday faras magaallaha Markaa, waxaa ku dhaawacmay dhowr Askari oo ka tirsan AMISOM, iyadoo uu burbur soo gaaray mid ka mid ah Gaadiidkaasi.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Suxufiyiin kuwa Maxaliga ayaa waxay maanta Diyaarad ku tageen magaalladda Marka, kuwaasi oo uu la sheegay inay ka badbaadeen qaraxyadda maanta ruxay Marka,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com