Amisom oo qirtay in shacab ay ku dileen MUQDISHO

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Midowga Africa ee hawlgalka u jooga Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku qirtay iney dad shacab ah ku dileen magaalada Muqdisho xilli ay faah-faahin ka bixiyeen qarax lagula eegtay dagmada Hiliwaa.

Bayaanka kasoo baxay AMISOM ee lagu sharaxayay qarax kolonyo ciidamadooda ah lagula eegtay xaafadda suuqa xoolaha, halkaas oo uu ku burburay gaari nuuca xamuulka oo ay lahaayeen ayey ku xaqiijiyeen inuu ku dhintay hal qof oo shacab ah.

“September 6th, 2020, mid ka mid ah gawaaridii ka midka ahaa kolonyo ka tirsan Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (Amisom), kuwaas oo kasoo baxay saldhigga Maslax kuna soo jeeday Muqdisho, waxaa Qarax lagula eegtay isgoyska Ex-Control Balcad. Baaritaanka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaari xamuul ah uu burburay, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ah oo ka ag-dhawaa goobta” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Ilo madax banaan ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qofood ay ku dhinteen qaraxaas halka AMISOM ay kaliya qirteen hal qof, waxeyna tacsi u direen ehelada dadkii ku dhibaatoobay.

AMISOM waxey qoraalkooda ku sheegeen iney sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, waxeyna wadayaan baaritaanka qaraxii lagula eegtay halkaas.