AMISOM oo Al-shabaab u qirtay iney hal arin kaga guuleysteen

Muqdisho (Caasimada Online)-Taliska ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda aysan laheyn awood dheeraad ah iyo agab ay kaga hortagaan weerarada kooxda Al-shabaab ee dhanka Miinooyinka ah.

Saraakiil u hadashay ciidamada AMISOM ayaa shaaciyay iney doonayaan helitaanka qabiiro ku taqasusay dhanka miino saarista iyo agabkii  looga hortagi lahaa miinooyinka Al-shabaab dhulka ku aasaan oo saameeyay howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, sida saraakiisha ay sheegeen.

Malibus Lakara oo ah taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in sidoo kale muhiim ay tahay in tababar loo siiyo ciidamo AMISOM ka tirsan si ay kaga hortagaan weerarada dhanka miinoyinka ah oo Al-shabaab ay ku sameeyaan ciidamada AMISOM.

Beesha caalamka ayuu ka dalbaday iney ugu deeqaan qalab casri ah oo looga hortago weerarada Al-shabaab u geystaan ciidamada AMISOM iyo kuwo lagu baaro miinooyinka dhulka Al-shabaab ay ku aasaan.

“Bomka iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay caqab ku noqdeen hawlgalada ciidamada Amisom, kuwaas oo awoodoodu xadidadan tahay, kumana filna in ay ka adkaadaan Miinada dhulka lagu aaso”ayuu yiri.

Sarkaalka ayaa qiray in Al-shabaab marar badan kaga guuleysteen AMISOM miinooyinka dhulka lagu aaso oo mararka qaar ay daba socdan weeraro qorsheysan oo dhabo gal ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com