Al-Shabaab oo cabsi iyo feejignaan ka abuurtay dal ku yaal galbeedka Africa

Freestone (Caasimada Online) Dowladda Siriliyoon ayaa maanta oo Arbaca ah sheegtay in la adkeeyay ammaanka dalkeeda kaddib markii digniino ay ka soo baxeen kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo sheegtay mas’uuliyada weerarkii Westgate.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa u sheegay wariyaasha in ciidamada ammaanka ay ku jiraan foyijignaan  in laga hortago weerar Al-Shabaan ay ku qaado dalkooda.

Wuxuu sheegay markii uu dhacay weerarkii Westgate in la qabtay toddobo qof oo u dhashay dalka Pakistan, balse markii la baaray wax dambi ah lagu waayay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Siriliyoon ayaa dadka dalkaas ugu baaqay in ciidamada ammaanka ay ku soo warigaliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan.

Ma ahan kaliye dalka Siriliyoon waddamada ammaankooda adkeeyay wixii ka dambeeyya weerarkii 21-kii bishii hore ee September lagu qaaday Nairobi, waxaa sidaas oo kale loo adkeeyay waddamada Uganda iyo Ethiopia kuwaasoo ciidamo ay ka joogaan dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Westagate uu jawaab u ahaa faragalinta Soomaaliya ay ka wadaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com