“Anigoo mas’uuliyiin aan saaxiib nahay ay igu ag dhinteen haddana meel aan aado garan maayo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiqaadir Max’ed Sandheere oo kamid ahaa Xildhibaanadii lagu weeraray Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa isagoo jawi degan ku jira kawar bixiyay dhacdadii ku qabsatay Hoteelka inta uu Howlgalka ka dhex socday.

Xildhibanka ayaa sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid dareen gaar ah ku abuurtay oo uusan ilaawi doonin inta uu noolyahay waxa uuna sheegay in weerarka Hoteelka uu mar qura ku waayay Saaxiibo ku dhawaad 10 sano ay isla degenaayeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu arkay Mas’uuliyiin dhaawac ahaa oo ash-haadanaaya hadana uusan waxba u qabankarin, waxa uuna tilmaamay in Jahwareerka ugu badan uu ka qabsaday markii uu waayay jiho uu u ordo meel walibana ay buuxan Meydad iyo dhaawacyo, hayeeshee waxa uu talaabadaasi ku sheegay mid aan diinteena suuban aysan raali ka aheyn.

Waxa uu sheegay in arrinta ugu yaabka badan ay noqotay Dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyada oo dilaaya qof walaalkiisa oo muslim ah hadana ku qeyla dhaaminaaya magaca alle ”Allahu akbar” waxa uuna su’aal ka keenay waxa ay noqon karto diinta uu aaminsan yahay shaqsi ceynkaasi ah oo isku qarxinaayo ruux muslim ah amaba dilaaya.

Waxa uu tilmaamay in dadnimo aysan ku jirin Al-shabaab islamarkaana aysan kala garaneynin Muslim iyo gaal, Carruur iyo barimageyto, balse loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka tashtaan aayahooda islamarkaana ay iska soo dhexsaaran dadka caadeystay cabida dhiiga muwaadiniinta Muslimka ah.

Burbur xoogan iyo raadadkii uu reebay weerarkii ka dhacay Hoteel Saxafi ayaa laga dareemayaa gudaha Hoteelka iyadoona durbo lagu bilaabay howlo Nadaafadeed.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Max’ed Saandheere ayaa eebe uga baryay in naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo dhammaan dadkii ku geeriyooday weerarkii Hoteel Saxafi Al-shabaab ay ku qaadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com