AQALKA SARE oo guddi u magacaabay sharciga doorashooyinka qaranka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Magacaabay Guddi ka shaqeyn Sharciga doorashooyinka dalka oo lagu waddo in dhawaan la horgeeyo Aqalka Sare.

Guddiggaan ayaa ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii Sharciga doorashooyinka loo horgeyn lahaa Aqalka Sare.

Xildhibanada Golaha Shacabka ayaa dhawaan Ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ku saabsan in doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhaco oo xildhibaanada laga soo doorto degaanada ay mataan ka dib Madaxweynaha doortaan.