Aqris: Axmed Madoobe oo ka digay qorshe cusub oo ay wadaan Al-Shabaab

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay maleegayan dhibaatooyin hor leh oo ka dhaca magaaada Muqdisho iyo Gobolada dalka.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay halis ku yihiin nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somalia, isagoo falalka amni darro ku dhaliilay dowlada Somalia.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay leeyihiin Hal hadaf oo ah in ay dilaan qof walba oo aan iyaga ka mid ahayn, wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan oo aanay ogolaan in maalin walba qaar iyaga ka mid ah la dilo.

Hogaamiye Axmed Madoobe wuxuu intaa raaciyay in dowlada Somalia qudheeda aysan ku dadaalin xal u helida amniga dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay in DFS ay ka gaabisay mas’uuliyadii ka saaraneyd amniga iyo xoraynta dalka taa badalkeedana ay khalkhal iyo shaqaaqooyin ka abuurayso degaano nabdoon.

Waxa uu cadeeyay in taasi ay fursad u siisay Al Shabaab in ay gaystaan weeraro ay dadka shacabka ah iyo xarumaha dowladda ku beegsanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Madoobe wuxuu kaloo sheegay Axmed Madoobe in gobolada qaar ay dib u soo noqdeen dagaaladii qabaa’ilka iyo awoodii Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com