Aqriso: Guddiga doorashada Jubaland oo jawaab u diray SWAN kuna dhowaaqay go’aan kama dambeys ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa jawaab ka bixiyey warqadihii shalay kasoo baxay ergeyga gaarka ah ee xogahayha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

James Swan ayaa warqaddiisa ku sheegay in is-beddelada ay sameeyeen guddiga doorashada Jubaland aysan weli buuxin shuruudihii beesha caaalamka, sidaas darteedna, haddii aan ka hor doorashada la sameyn is-beddelo dheeri ah, sida ay beesha caalamka dalbatay, inaysan taageeri doonin natiijada doorashada.

Xamza ayaa maanta soo saaray warqadda jawaab u ah tan James Swan, isaga oo sheegay in guddiga doorashada Jubaland uu qaaday toddobo tallaabo oo muhiim u ah hanaanka doorashada Jubaland, oo ay ugu dambeysay inay dib u fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta, dibna u dhigeen doorashada madaxweynaha.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aad uga niyad jabay ugana naxay in James Swan uu warqaddiisa ku sheegay in hanaanka doorashada Jubaland uusan haysan taageerada dhammaan dhinacyada kale duwan ee Jubaland.

Xamza ayaa ugu dambeyn ku adkaystay inaysan jirin is-beddelo dheeri ah oo ay ku sameynayaan hanaanka doorashada, islamarkaana doorashada ay ku dhici doonto sida ay hadda wax u scodaan, maadaama guddiga buuxiyey dhammaan waxyaabihii dastuuriga ah ee loo baahnaa.

Hoos ka aqriso warqadda Xamza

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com