Aqriso: Liiska magacyada xildhibaanada bilihii ugu danbeeyay lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mudooyinkaani danbe faraha kasii baxaayay beegsiga Xildhibaanada BF Somalia kuwooda ugu falanqeynta badan arrimaha Siyaasada dalka.

Dilalkaani ayaa isugu jira kuwo ay maleegeen Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo kuwo aan la ogeyn cida kadanbeysa.

Weerarada lagu dilo Xildhibaanada BF ayaa waxa ay ka dhacaan Degmooyinka wadajir iyo Xamar-weyne oo la rumeysan yahay in Xildhibaanada intooda badan aysan ka maarmin iyadoona aan la garaneynin sababta.

Tan iyo markii la doortay Dowlada Madaxweyne Xassan ayaa waxaa badanaayay dilalka Xildhibaanada waxaana xusid mudan in ka jawaabida DF ee dilkaasi ay noqotay mid ku eg kaliya cambaareyn.

Amaanka Xildhibaanada ayaa ah mid dayacan mana jirto cid si gaar ah isaga xil saartay amaankooda, inkastoo horay uu Gudoomiyaha BF uga hor imaaday dalab ay Xildhibaanada u gudbiyeen kaasi oo ahaa in la siiyo Ciidamo si gaar ah u ilaaliya amaankooda.

Haddaba waxaan halkaani idinkugu heynaa tirada Xildhibaan ee magaalada Muqdisho lagu khaarijiyay bilihii ugu danbeeyay waxaana kamid ahaa:-

Magaca Xildhibaanka Taariikhda la dilay & Goobta lagu dilay

1-Isaaq Maxa’ed Riino 21 April, 2014, Muqdisho

2-C/casiis Isaaq Mursal 22, April, 2014, Muqdisho

3-Maxa’ed Maxa’uud Xayd 3 July, 2014, Muqdisho

4-Saado Cali Warsame 23 July, 2014, Muqdisho

5-Sheekh Aaden Madeer 1 August, 2014, Muqdisho

6-C/llaahi Qayad Barre 9 Febuary, 2015, Muqdisho

7-Cumar Cali Nuur (Furdug) 20 February, 2015, Muqdisho

8-Maxa’ed Ducale Muse (Xaji-kafe) 20 Febuary, 2015, Muqdisho

9-Yuusuf Dirir 23 May, 2015, Muqdisho

10-C/llaahi Maxa’uud Xuseen (Bantu) 25 July, 2015, Muqdisho

11-Cabdi Maxa’ed Abdidoon 1 November, 2015, Muqdisho

12-Maxa’ed Axmed Gurxan 7 November, 2015, Muqdisho

Xildhibaanadaani lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa intooda badan kasoo jeeda hal dhinac, waxa ayna ahaayen kuwo dilkooda aan u dhexeen muddo farabadan.

Dilalkaan Xildhibaanada loo geysto ayaa waxa ay imaanayaan xilli Madaxda sar sare ee dowladda Federaalka dhowr jeer ku cel celiyeen in ay wax ka qabanayaan ammaanka Magaalada Muqdisho oo ah halka lagu ugaarsado Xildhibaanada.

Ma cadda sababta keentay in DFS ay ilaalin weyso amaanka Xildhibaanada inkastoo dadka qaar ay qabaan in Dowlada ay ku lug leedahay dilalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com