Aqriso Magacyada: Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen oo Rooble u gudbiyey bedelka xubnihii dib loogu celiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah u shaaciyey xubnaha cusub ee ay ku badeleen kuwii hore loogu soo eedeeyay ee ku jiray Guddigii doorashada ee lagu muransana.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay afar xubnood.

Sidoo kale Maamulka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa isagna soo bedelay xubnihii lagu celiyay, kuwaasi oo ah labo xubnood oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal.

Labada madaxweyne ayaa xubnaha cusub u gudbiyay ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo isagu gacanta ku haya howlaha doorashada, oo kal hore uu kala wareegay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday.

HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa kamid ahaa saddex dowlad goboleed oo aan weli soo magacaabin xubnahooda oo la sugayo, hase yeeshe waxaa hadda harsan oo keliya dowlad goboleedka Galmudug.

Jubaland, Puntland iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa noqday dhinacyadii u horeeyay ee soo magacaaba xubanahooda guddiyada doorashada, midaasi oo qeyb ka aheyd fulinta heshiiskii dhawaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Guddiyada cusub ee dhinacyadu soo magacabaayan ayaa bar billow u noqonaya hirgelinta heshiiskii 27-kii May, kaasi oo meesha ka saaraya mad-madowgii ragaadiyey hir-gelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Hoos ka aqriso magacyada ay soo gudbiyeen labada maamul