Aqriso: Magacyada qaar ka mid ah maxaabiistii Shabab ee xabsiga dhexe lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa maxaabiistii loo heystay Shabaab-nimada ee Isniintii ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, kuwaas oo ciidamada ammaanku ay toogteen 15 ka mid ah.

Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Maxamed Daa’uud Dirir, waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii ka dhex dagaalantay xabsiga ee markii dambe toogashada lagu dilay.

Ibraahim Maxamuud Maxamed waxa uu ku xukunnaa 15-sano xabsi ah, halka Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa (Dr. Raage) uu isna ku xukunnaa 15-sano oo xabsi ah.

Dr. Raage markiisii hore waxa uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, balse markii dambe inta aan la qaban waxa uu ku ururka Daacish.

Sidoo kale waxaa xabsiga ka baxsaday Mubaarak Ibraahim Iidle oo la xukumay sanadkii 2014-kii, waxuuna ku xukunnaa 10-sano oo xabsi ah, afar sano iyadoo ay u harsantahay ayuu baxsaday, waxuuna horay ka galay fal-dambiyeed culus, sida ay sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

Mubaarak Ibraahim waxaa la sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2012-kii, isla markaana uu waqtiga ugu badan Al-Shabaab kula soo qaatay buuraleyda Golis ee Puntland, waxuuna markii uu ka fakaday xabsiga banaanka ku sii dilay laba qof oo shacab ahaa, isaga oo dhacay mooto Bajaaj uu ku baxsaday.

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya waxa uu maanta sheegay in tirada guud ee dadka ku dhintay weerarkaas ay gaareyso 19-qof, kuwaas oo 15 ka mid ah ay maxaabiistii xabsiga ahaayeen, halka afarta kalena ay ciidanka dowladda ka tirsanaayeen.

Sidoo kale afhayeenka taliska Asluubta Soomaaliya waxa uu sheegay in dhaawacyada ka dhashay weerarkaas ay gaarayaan sideed qof, kuwaas oo todoba ka mid ah ay maxaabiis ahaayeen, halka kan kalena uu ahaa askari.