Aqriso magacyada siyaasiyiinta dhulka la galay sumcaddii iyo karaamadii beesha MURUSADE.!!!

Siyaasiyiinta hor boodaya Beesha Murusade ayaa lagu eedeenayaa in ay sabab u noqdeen Taariikhda Mugdi ah ee Beesha ,Taariikhaduna waa ma guurto, waxa ayna taariikhda markasta ay iftiimisaa qof walbo waxa uu gudo iyo wax u galo, waxa ay sidoo kale taariikhda soo bandhigtaa qof walbo xumihiisa iyo waxaii dhibaato ah uu u horseedo dadkiisa iyo dalkiisa.

Siyaasiyiinta Beesha Murusade horboodayay waxii ka dambeeyay sanadii 2006 kii ayaa la tilmaamaa intooda badan in ay beesha u horseedeen dhibaatooyin badan iyo sidoo kale ay la dageen sumcada iyo karaamadii ay beesha ku dhax laheed Qabiilada kale ee Soomaaliyeed.

Beesha Murusade oo kamid ah Beelaha waa weyne ee Hawiye waxaa siyaasadeeda horboodayay 15-kii sano ee lasoo dhaafay siyaasiyiin tiro yar, kuwaa oo mar walba iyagu ku fariista kuraasta ay Beesha ka hesho Dowladihii dalka soo maray liinjaankana u hayay waxii siyaasad ah la xariira.

Laga soo bilaabo Dhismaha Dowladii Carta lagu soo dhisay uu Hogaaminayay Madaxweyne Cabsi Qaasim waxaa kursiga Baarlamaanka Beesha Murusade u matalayay ilaa hadana ku fadhiya shaqsiyaad aan wax u qaban beesha in ay wax u dhimaan mooyee.

Xildhibaanada Beesha Murusade oo gaaraya 7-Xildhibaan ayaa intooda badan Kursiga waxa ay ku fadhiyaan wax ka badan 10-sanadood iyo wax ku dhaw dhaw, waxa ayna wali ruclo ugu jiraan sidii ay mar kale kusoo laaban lahaayeen ugana shaqeyn lahaayeen hagardaamada beesha.

Marka aad u fiiriso Deegaanada ay Beesha Murusade dalka ka degto kama jiraan horumar , waxaana taa badalkeeda Deeganada beesha gacanta ugu jiraan Xarakada Al-Shabaab, Degmada kaliya ee xorta ahna waa Degmada Ceelbuur, Degmadaas oo aysan jirin hal qof oo shacab ah oo kunool.

Wasiirka iyo Xildhibaanada Beesha Murusade hada ugu jira Dowlada badankood kama damqan dhibaatada dadka ay mataal ku heesta Degmada Ceel Buur iyo deegaanada kale ee hoosataga , sidoo kale waxa ay ka aamuseen musiibada ku habsatay Degmadii ay ku abtirsanayeen ee Ceelbuur oo maanta cidlo ah.

Xubnaha Dowlada ugu jira Beesha Murusade ayaa Gobolka ay kasoo jeedaan kasokoow xitaa waxaa jira kuwa aan cagta saarin Degmooyinka Beesha ka degto Gobolka Banaadir , waxa ayna kaliya ku kooban yihiin Hoteelada iyo guryaha ay ka daganyihiin magaalada Muqdisho.

Wasiiradii kala duwanaa ee Beesha Murusade usoo matalay Dowladihii KMG iyo tan Federaalka ayaa intooda badan ka shaqeenayay dib u dhaca beesha iyo sidii loo bur burin lahaa midnimada beesha dhaxdeeda ka jirtay.

Waxa ay hada abuureen siyaasiyiinta Dowlada ugu jira Beesha Murusade iyo kuwa horey usoo fashilmay Odayaal ay kala wataan, kuwaa ay ku doonayaan in ay kusii dilaan magaca beesha ayna noqdaan kuwa ay dantooda ku gaaraan.

Marka aad fiiriso Dowladda hada jirta Beesha Murusade wax tixgalin ah masiiso mana helin xaquuqdii ay Dowlada ku lahaayeen, waxaana arintaasi sabab u ah Xildhibaanada iyo Wasiirada Beesha oo kala socda taa oo kaliftay in albaabada Dowlada laga xirto maadaama aysan isku towfiiq aheen.

Siyaasiyiinta horboodaya Siyaasada Beesha Murusade hamigooda ma dhaafsana in ay Xildhibaan ama Wasiir noqdaan, mana jiro nin damciyay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo , waxaana damac Madaxweyne qof kasoo jeeda Beesha uu galo ugu Dambeeyay Mudane Maxamed Qanyare Afrax oo kaalinta Sadaxaad ka galay doorashadii 2004-tii ka dhacday dalka Kenya.

Beesha Murusade ayaa mudooyinkan dambe caan ku noqotay in ay isku qabsadaan markii qof kasoo jeeda beesha uu iskiis ah xil uga helo Dowlada, hasa ahaatee kama hadlaan marka xaqooda qof kale la siiyo.

Dadka ku abtirsada Beesha Murusade ee isugu jira Aqoonyahanada Siyaasiyiinta nadiifka ah iyo Jaaliyadaha Dibbada ayaa hada u muuqda kuwa kacaya oo kahor imaanaya dhagarta ay Beesha ku hayaan Xubnaha Siyaasada horboodaya , waxa ayna dhawaan qorsheenayaan in kulamo ka yeeshaan arimahan ayna codkooda muujiyaan.

Ma jiro ama weyba yartahay Wasiir ama Xildhibaan Beesha Murusade soo maray oo sumcad ku dhax leh Beesha dhaxdeeda, halka Beelaha kale ay karaameeyaan korna u qaadaan Xubnaha dowlada ugu jira iyo kuwii xilaka usoo qabtay oo mar walbo dhib iyo dheef kula soo laabanayay beeshooda sharaftoodana kor u qaadayay.

Isku soo duuboo hadii ay sidan kusii socoto Xaalada Siyaasadeed iyo mida dhaqan ee Beesha Murusade ayna isbadal ku imaan xubnahan hada majaraha u haya Siyaasada Beesha Murusade ee toga dheer ka ridaya, waxaa laga cabsi qabaa in Beesha Murusade ay sanadaha soo socdo kamid noqoto beelaha la heebsooco ama aan muhiimka aheyn.

Aqriso Magacyada Xildhibaanada iyo Masuuliyiinta Bahdilay Magaca Beesha Murusade

1. Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow {Dhagdheer}
2. Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
3. Xildhibaan cabdiwali Maxamed Qanyare
4. Xildhibaan Xasan Macalin Maxamuud
5. Xildhibaan Ciise Wehliye Maalin
6. Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim
7. Xildhibaan Naciima Maxamed Gacal

Sidoo kale Waxaa Kamid ah Siyaasiyiinta Hoos ku Xusan oo kala ah:

1. Cabdiraxmaan Shikh Yuusuf Cali Caynte “Wasaaradda Qorsheynta”
2. Cabdi Qaadir Xuseen Jahweyn “Wasiirkii hore ee Warfaafinta “
3. Mustafa Shikh Ali Dhuxuloow “Wasiirkii hore ee Warfaafinta “
4. Maxamded Nuur Gacal “Wasiiru dawlaha hore ee Arrimaha Dibadda”
5. Cabdi Qaadir Nuur Caraale, “wasiirkii hore Beeraha hadana ah Wasiir ka mid ah Maamulka Shariif Xasan”
6. Jan. Cabdullaahi Gaafow Maxamuud “Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha”
7. Jen. Cabdulaahi Xasan Bariise “Taliyaha Hogaanka Saadka Ciidamada Booliska”
8. Jen .Cabdullahi Maxamed Ceynte “Madaxa Hogaanka Ciidanka xooga Dalka”
9. Ismaaciil Cabdi Guure “Gudoomiyekuxegenka 1 aad G/Banaandir”
10. Maxamed Xasan Xaad “Gudoomiyaha Odeyaasha Beelaha Hawiye”

Fiiro Gaar ah : Waxaan dhawaan idin soo gudbineynaa hadii Rabi Idmo Shaqsi walbo oo kamid ah Masuuliyiintan magacyadooda aan Xusnay waxii ay galeen iyo waxii ay gudeen inta ay xilka hayeen

Qore :Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
“Cabdiraxmaan Mamaan”
London –Uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.  Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com